nafyahay ruuxaad danaysay
dareen o dadaal ku daashay
dookhoo dhba aad la seestay
markuu damacii tis qaaday
kalgacal dambarkii dhawaaday
jacaylku daryeel ka doonay
haduu isba doojin waayyay
maxaa kali kuu daciiifsshay
aheey ruux yahay dabjiidhay
qofaad doontoo ku diiday
adoo jecel kaa dul booday
ilaw daa oo ka maaran

daymadaa ruuxad ku eegtay
dareen kalgacal ku dhawrtay
dawadaa ruuxaad malaysay
haduuu dacar kuu milaayay
dab iyo holac kuu dayaayay
ogaa hada inaad dareentay
dookhaad guusha u filaysay
dabiibka haduu u diiday
axeey ruux yahay dab jiidhay
qofkaad doontoo ku diiday
adoo jecel kaa dul booday
ilaw daa oo ka maaran

Exit mobile version