kola gacan haadiyaan
hinqo wax i leeyihiin
hir dheer baa la ii wada
meel baa la iiga heesayaa
hilaac iiga durugsan bay
indhuhu u hanqaarmayaan
hadaanad hiil u noqon
naftan ku hagooganayn
hubaal way i hayaayoo
hoog buu ii horseedayaa

intuu halbawlaha ku habay
siduu haw iila yidhi
habeen hurdo kaama ledo
dharaarna masoo hadh galo
waxaan la hodmaa jacayl
halaabayoo waan la lumay
hadaanad hiil u noqon
naftan ku hagooganayn
hubaal way i hayaayoo
hoog buu ii horseedayaa

Exit mobile version