qurux badanoo hadana
qaybaha noloshee dadnimoo
qaydhiinka ahoo ka madhan
qudhiii dagdag iyo fudayd
qaadsiiyaa waa dambayn
qaniinta oo dibnaha
la oyda qoomamee
qisada waxaan uga socdaa
midkaan islahaa qarnigan
qayrkiibuu u mudanyoo
qofkaaba inaad ahayn
qabyana kuu caado tahay
halkaad ka dagtee qalbiga
jacaylkan ku qaadhaybaa
qiraayee waa horeba
anaa kaa quusan waayay

qorax waagii baryaba
naftii kugu qanacsanayd
waxay maantaba qabtaa
inuu qalinkii tirtiro
kalgacal kugu soo qaldamay
inaad xil ma qaade tahay
taariikhdu hasoo qortee
qushina eed bay dhashaa
dhacii beri qoonatee
run sheeg qawlkuu lahaa
inaad nin ka qaawan tahay
oynaan iskuba qalmayn
halkaad ka dagtee qalbiga
jacaylkan ku qaadhaybaa
qiraayee waa horeba
anaa kaa quusan waayay

Exit mobile version