Sanooyin iyo gu'yaalbaa
Sahamismaaga ee
Sideebaan wax yeelaa
Afku samirba diidee
2x
Saa waxaan u leeyahay
Sahal maaha sheekadu
Saa waxaan u leeyahay
Sahal maaha sheekadu

Ha sagsaagin soo soco
Samahana Alaa sida
Ha sagsaagin soo soco
Samahana Alaa sida

Salaan doonaa sad weeyee
Salaan doonaa sad weeyee
See tahay nabad
Nabad nabad See tahay
See tahay nabad
Nabad nabad See tahay

Saaxiib ma anaa
Sadkii waa iga goostee
Surintaan istaagaba
Dadka waan ka soo wacnahay
2x
Saa waxaan u soo idhi
Silicbaa I daashaday
Saa waxaan u soo idhi
Silicbaa I daashaday

Sumadbaa I dul taaloo
Iga suulin waligey
Sumadbaa I dul taaloo
Iga suulin waligey

Salaan doonaa sad weeyee
Salaan doonaa sad weeyee
See tahay nabad
Nabad nabad See tahay
See tahay nabad
Nabad nabad See tahay
2x

Exit mobile version