wiilow kalgacaylka
adaa wadnahayga
xusuusta ku waabay
wabaayda jaceylka
maxaan walaalowga
dartaa walbahaarkaa
walaaca la toosay
adaa wacadkeenii
xagaaga ka wiiqay
sidee baan wanaagaa
naftii kuu wayraxaysay
dulqaad ugu waaniyaa
dhamaan waaxyahayga
dareenka ku waynba
mideeyay jidhkayga
jaceyl waayihiisa
wareerkiyo ciilka
dartaa wiiradiisa
maxaan nafta waanshay
adaa wacadkeenii
xagaaga ka wiiqay
sideebaan wanaagaa
naftii kugu wayraxaysay
dulqaad ugu waaniyaa
adaa wacadkeenii
xagaaga ka wiiqay
sideebaan wanaagaa
naftii kugu wayraxaysay
dulqaad ugu waaniyaa

Exit mobile version