beerkii u nuglaa barashada lamanah
baaxadaa dagiisiyo
boholyowga gocashada

qalbigu bari samaadkii
hadba baal markuu rago
balantii kalgacalkiyo
bildhaan aragtidaadaa
ku baantaa naftayde

boqolkiiba boqol jeer
mid lasoo bandhigo
caashaqu ka badanaa
badankaygaa lagu ladhay
weheey igu ladhan
ee aniga igu ladhan

baaqiga hankaygiyo
baahida kalgacalkaa
beeraysa laxawgiyo
baroor diiqa hibashada

arag bilaha nuurkiyo
bu'da dhaayahaygaa
bilicdooda daawade
baaqeena aayaha
nafta ugu bushaaree

Exit mobile version