Busayliyo xiiso raagay
Uunbuu dagay saw ma baxnaa
Bukaankaa kalgacayl bes siiyaa
Qofkii baday saw ma baajo

Akhyaar kala baadiyawday
Bariirada saw ma doonto
Akhyaar kala baadiyawday
Bariirada saw ma doonto
Bashuu boholyow fadhiistay
Badwaynta hadaad ku baydho
Ma baa,bao Ma baa,bao
Ma baa,bao shaw jacayl
Ma baa,bao Ma baa,bao
Ma baa,bao shaw jacayl

Qof kuu bogay kuuna baaqey
Ku soo biday baari uursan
Bilaahi calayk baxnaaneey

Bidhiqyada dhaayahayga
Budiyo wiilkii ishaa tahay
Wadnaha baradaada weeye
Dheg yarta bidix baad ku nooshahay

Adaan ubax baar guduudan
Baryaba kula raadinaayey
Adaan ubax baar guduudan
Baryaba kula raadinaayey
Hadaan kala baadno maalmo
Anoon badalkaa helaynin
Macaaneey macaaneey
Macaaneey maxaad u baydhi
Macaaneey macaaneey
Macaaneey maxaad u baydhi

Qof kuu bogay kuuna baaqey
Ku soo biday baari uursan
Bilaahi calayk baxnaaneey

Exit mobile version