anaa caashaqa u heesa
amaanoo hadiyo jeerba
ka jira nacabka u heelan
jabkiyo hagardaamadiisa
intuu goor hore heliyo
intuu imkaba haya
dareen la hal maaalayaa
hadeer hada iyo hadhaw
hiyiga laabtiyo wadnaha
isagaan hoy uga dhigoo
jacaylku hugaygiyo
hadh weeyaan igu lamaan
jacayl waa himiladayda
halbeeg iyo hiigsigayga
horseediyo waa hilaaca
naftayda hagee hogaansha
intaan ka war hayn xogtiisa
murtida hal abuurkiyo
suugaan kaga haqab tiraa