inuu nooluhu ka cararo
inuu caadihiisa maalo
haluu caawimo ka wayo
ogow waa caadadiise

cishqiyo boholyow ku raagey
naftii cabashada ku daashay
haday cidii jiido socodka
carowdaa waa garteede

jacaylka anaa casuumay
anaa calmashada abuuray
maxaad colaade dareento
cidlada igu dhaafi kaligay

anoo cisigaaga doona
inaan calacaloo aduunka
inaan ciilka bihoya
cawaqibta waxaan samayn

cindiga lahashada unugul
ku caleemo saar ubax
adoon cadibaad u geysan
farxad ifka kula cawee

Exit mobile version