waa dookh jacayl
si yar kuu dagoo
dacalada wadnaha
inta uu ku dago
diib iyo ka shida
damaq iyo xanuun
hadaanu ku dilin
markuu kula darsee
lahashda dareen
halbawlaha u diro
diiftiyo dhibtaad
la daala dhacdaa

waa dookh jacayl
haduu kula durkoo
daymada ku ladha
damac uurka jira
kuu diida jiif
una dayso oon
hadaanu ku dilin
markuu kula darsee
lahashda dareen
halbawlaha u diro
diiftiyo dhibtaad
la daala dhacdaa

waa dookh jacayl
duuufaan ciriyo
dabaylahaa side
daruuraha kalgacal
ku dul keenabaad
la baaxaa dagtaa
hadaanu ku dilin
markuu kula darsee
lahashda dareen
halbawlaha u diro
diiftiyo dhibtaad
la daalaa dhacda

waa dookh jacayl
dabin lama filaan
kuu daadiyoo
durba hibashaduu
doon doon ku dhiba
dalad kuu sudhaa
hadaanu ku dilin
markuu kula darsee
lahashda dareen
halbawlaha u diroo
diitiyo dhibtaad
la daalaa dhacdaa

Exit mobile version