Ragba kii ideeqow
Dookhayga caashaqa
Midkuu doortay weeyaan
Naftaydaa dabiibiyo
Dawadeeda tahayee
Waxaan ahay daraadaa
Qof jacayl ku daashaday
Ka damqoo lurkaygani
Waa dareen waxaan qabo
Dadba waxaa kuu nugul
Dhibta inaad kudaysaa
Darajiyo libmaahee
Damiiryeelo ii tudha
Ha imoodin dumariyo
Qof ku doortay inaan ahay

Qalbigani kudoorbiday
Inaad nolosha daristaan
Ha dugsado kashaadee
Waar balxilo daryeelkiyo
Wax dajiya maruun
Dahrigaygan kugu falan
Doonistiyo jacaylkiyo
Ku xaqsii dadnimadoo
Ha igudilain sidii nacab
Dadba ruuxa kuu nugul
Dhibta inaad kudaysaa
Darajiyo lib maahee
Damiiryeelo iitudha
Ha imoodin dumariyo
Ruux kudoortay inaan ahay

Exit mobile version