markii aad iga dhaqaaqday
dheeraateed iga fogaatay
gogosha dhinacaa banaysay
cidliyo dhaxanbaan dareemay
ilmaa dhabanada i qoysay
dhabaan adi kuugu xiisay
xusuusbaan iga dhamaanin
dhagbaa ku yaboohinaysa
dhawaaqaagii tabaysaa
ma dhigo dhaban jiifoo habeeno
ma dheelmado aawadaaye
hadmaan kugu dhaayo doogsan
sidii dhaan maqan ayaamo
ayaan kuu dhawrayaayoo
waxay dhur sugtaa naftaydu
dharaartaad ii iman lahaydee
hadmaad dhayi boogahayga
dawayn dhaawaca jacaylka
oo aad ii soo dhawaani
dhabtaada aad i saari
ii dhawri sidii dhalaanka