Waxay dhugashada kalgacal
Dhaayuhu kaa eegayaan
Naftaa kugu dhaadatoo
Sidhaba kuu jecel adiga
Waxaad dhaymihii tahay
Dhaawaca iguyaal wadnaha
Adaa igu dheeli tiran
Dharaartaan kulanaybaa
Halbowlaha ila dhuftoo
Waxaan kaa dhowrayaa
Dhamow soodhawee qalbiga
Dhankaaga inaan ka helo
Qayrkaa kuma dhaafsatee
Waxay naftu kaa dhursugi
Dhalinta kaaga doorbidaa
Dadnimo aad dheertahee
Waxaa igu dhibcay jacayl
gacaliye dhiiri galin kaa rabo
dhankaaga inuu kahelo
dheeftiyo cunada iga jaray
dharaartaan kulanaybaa
halbowlaha la idhuftoo
waxaan kaa dhowrayaa
dhamow soo dhawee

Exit mobile version