Aduunyadu waa farxade
Hadaan ruux aad fahmayn
Fariimaha caashaqtoo
Wanaaguba kugu filnayn

2x

Qalbiga furayaal bataa
Fidniyo hawl kama baxoo
Falaadh halis kaga dhacdiyo
Faduul kama nabad galee

2x

Wakhtiga aad iga fogtiyo
Agtayda markaad fadhido
Hadaan farqi kuu dhexayn jacaylka faraha ka qaad

2x

Dharaaruhu waa fursade
Hadaan loo wada faqayn
Halkii samo loo filoo
Xumaha loo faydanyahay

2x

Aduunbaa fura xadhkaha
Farsamo aqalka ugu xidha oo
Furaha meeshaan ka dado
Adaa fayda oo baneeya

2x

Fidnada caashaqii dhalee
Fudaydku u aabo yahay
Intaanu feedhaha i jabin
Danbaa i tidhi faraha ka qaad

2x

Wakhtiga aad iga fogtiyo agtayda markaad fadhido
Hadaan farqi kuu dhexayn
Jacalka faraha ka qaad

Fidnada caashaqii dhalee
Fudaydku u aabo yahay
Intaanu feedhaha i jabin
Danbaa i tidhi faraha ka qaad

Exit mobile version