Miyaan helay kuu hankaygu
Sanado badan haybinaayay
Miyaan helay kuu hilowga
Ku beeray halkaa kashayda

Halabiyo timo haldhaalay
Miyaan hantaytii hawaawiyay
Hamuumtiyo baahideeda
Habeen ladi waayay jiifka

Hadaan caawaba lagaaga
Hurdada meel kula ladaayo
Hadaan hanadaw ku haysto
Maxaa hadahayeen tabaaya

Halkaa laabtiyo bogayga
Hubaal adigaa ku duugan
Adaan hore kuugu dhiibo
Furaha lubigiisa haysta

Alaylahe way hagaagtay
Alaylahee heegadiina
Halkaan rabay way ku hoortay

Hayaankii muu habaabin
Samirkii kuma hungoobin
Hadafkii aan lahaana
Hubsadayoo wuu hirgalaye

Exit mobile version