laamaha geed sare ku yaal
hadii midba gees u baxo
gantada u aroorsaniyo
guntay ka midaysanyihiin

gacmaha nacabiyo gudmana
ma wada gooyaan dhirtoo
galoolbaan ahay nasaba
gobaan ahay liicin abid

gu' iyo jilaal midhaa
guudkayga yaaloo
hoobaanbaa laga gurta
hadhkaygaa lagu gam'aa
jacaylkana lagu gartaa

qaalmaha geelee gu' dhala
haday magac guud simaan
gaawaha lagu soo lisiyo
hadhuubkaa lagu gartaa

gabnada maqasheed
gobtiyo gob deeqda
ma gaynada ah
sidbaa marti loo godlaa
gorofka midna looma culo

Exit mobile version