leebkii jacaylkoo
qurux lagu lamaanshoo
kalgacaylku laasimay
laydhu ay sidabaan
laylkii iyo habeenkii
ladaneey igu maranoo
ka libaysan waayee
wuu igu lingaxayee
ladhka iga dawee
laabtu aday ku raacdee
qalbi kuu lilaahiya
kaa labanaynbaa
kuu laba diblaysane
adna laabta igu hay

labadii is jecel baan
kala laasanaynee
lurku adi uun maahee
anba way lunsadayoo
siduu ii laciifshayna
ladanoow hurdada iyo
iga laasay jiifkii
ladaadyada daraadaa
wadnahay i luxmanayee
loofkiyo cishqiga hoo
kalgacayl i laasimay
ku ligligan wadnahabaa
igu kaa ladhaayee
adna igu lamaanoow

Exit mobile version