VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Laabtaada igu haay - Lyrics

Ladananow Jacaylkii Qalbigayga laazimay Maantaa ka ladayaoow Iga haray lurkiisoow x² Labadaynu gacalaow Mar hadaan lilaahi Isku nahay lamaanow Aan Libinta gaarnee x² Lumin maayo aniguyee Yuu liicin caashaqa x² Ka ogoow lugooyada Laabtaada igu haay x² Mursal muuse : Anigabba ladaneey Leebkii jacaylkaa Wadnahayga liganoow Isma loodin karayee x² Labadeena gacaloow Waynu gaarnay libintii Ila laba libis caashaqa Adaan kugu lamaaneee x² Lumin maayo aniguyee Yuu liicin caashaqa x² Ka ogoow lugooyada Laabtaada igu haay x² Khadra Siliimo: Habeen qura kumaan lidin, Laabtadan igu qaban Inagoo Lamaana ah Leersi Maalmo igu baxin x² Labadeenu Gacaloow Mar hadaan Lilaahi Isku nahay Lamaanoow Aan libinta gaarnee x² Lumin maayo aniguyee Yuu liicin caashaqa x² Ka ogoow lugooyada Laabtaada igu haay x² Mursal Muuse: Luqanta iyo dhabankiyo Laafyahaada kala shuban Ishi libicsigeeda La'igama horeeninee Labadeena gacaloow Waynu gaarnay libintii Ila laba libis caashaqa Adaan kugu lamaaneee x² Lumin maayo aniguyee Yuu liicin caashaqa x² Ka ogoow lugooyada Laabtaada igu haay x²
Queue is empty
-- / --