VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Laabtaada igu haay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Khadra Silimo
Laabtaada igu haay

Ladananow Jacaylkii
Qalbigayga laazimay
Maantaa ka ladayaoow
Iga haray lurkiisoow x²

Labadaynu gacalaow
Mar hadaan lilaahi
Isku nahay lamaanow
Aan Libinta gaarnee x²

Lumin maayo aniguyee
Yuu liicin caashaqa x²

Ka ogoow lugooyada
Laabtaada igu haay x²

Mursal muuse :
Anigabba ladaneey
Leebkii jacaylkaa
Wadnahayga liganoow
Isma loodin karayee x²

Labadeena gacaloow
Waynu gaarnay libintii
Ila laba libis caashaqa
Adaan kugu lamaaneee x²

Lumin maayo aniguyee
Yuu liicin caashaqa x²

Ka ogoow lugooyada
Laabtaada igu haay x²

Khadra Siliimo:

Habeen qura kumaan lidin,
Laabtadan igu qaban
Inagoo Lamaana ah
Leersi Maalmo igu baxin x²

Labadeenu Gacaloow
Mar hadaan Lilaahi
Isku nahay Lamaanoow
Aan libinta gaarnee x²

Lumin maayo aniguyee
Yuu liicin caashaqa x²

Ka ogoow lugooyada
Laabtaada igu haay x²

Mursal Muuse:
Luqanta iyo dhabankiyo
Laafyahaada kala shuban
Ishi libicsigeeda
La’igama horeeninee

Labadeena gacaloow
Waynu gaarnay libintii
Ila laba libis caashaqa
Adaan kugu lamaaneee x²

Lumin maayo aniguyee
Yuu liicin caashaqa x²

Ka ogoow lugooyada
Laabtaada igu haay x²

codkii Khadra Silimo, Mursal Muuse