anaa caashaqa u heesa
amaano had iyo jeerba
ka jara nacabkii u heelan
jabkiyo hagardaamadiisa

intuu waa hore heliyo
intuu imikaba hayo
dareen la halmaalaya
hadeer hada iyo hadhaw
ha hiiga laabtiyo wadnaha
isagaan hoy uga dhigoo
jacaylku hugayga iyo
hadh weeyan igu lamaan

jacayl waa himiladayda
halbeegiyo hiigsigayga
horseedka u hilaaca
naftayda hagee hogaansha
inta ka warhayn xogtiisa
murtida hal abuurka iyo
sugaan ka dhaha qabtira

Exit mobile version