qofkii arkaybaa ogsoonee
is yeel yeel jacacaylkuba
ilaaq iyo sheeka maaha

dan iyo af gobaadsi maha
odhaah iyo erayo maaha
afkuun laga sheegta maaha

arwaaxdiyo unugyadeeda
daren ku abuuran weeye
awood ku hogaamisiyo
iftiin weeyaan ku haga
adoo ikhtiyaarle buu
adoon camal kaa dhiga

jacaylku ayaamo maaha
iidaan iyo ulasho maaha
arkaa iyo iidhe maaha

ujeediyo aragti gaaban
umuuro ku saabsan maaha
aroos iyo aqal gal maaha

Exit mobile version