Miyaan Ladaneey ladaa
Leelaa Hurda oo gam’aa

Miyaan Aniguba laqaa
Anfaciga laazima

Adaa wax walbiyo galgacal
Ufaray laabta wadnuhu
Ishaa kaa libiqsaneen

Miyaan kaligee ladaa
Eedaa luda oo gam’aa

Miyaan anniguba laqaa
anfaciga laazimaa

Isaar loolida jacayl
Siduu adbu kuu luroo
Anniga ii leeliyaa

Lugaha lagu joogsadiyo
Lixaadkay-gaad tahee
Ha lumin oo ha’iga lumin

Xiska iyo garashada ? ?
Bagga iyo beerkaad tahee
Ha lumin oo ha’iga lumin

Miyaan gabar kugu labayn
Nafteyda leedaheey

Miyaan   labo kula simaa
Adaa labka  (Ragga) kaa xushee

Hadaa caashaqu ludiyo
Lafta iyo dhuuxay galin
Miyaan kaa lulan lahaa

Miyaan gabar kugu labayn
Nafteyda leedaheey

Miyaan   labo kula simaa
Adaa labka kaa xushee

Hadaa caashaqu ludiyo
Lafta iyo dhuuxay galin
Miyaan kaa lulan lahaa

Siduu kuu laalay buu
Runtii ii liiciyoo
Rarkiisa kula qabaa

Biyaha lagu luuntirtiyo
Qasiinkayga baa tahee
Halumin oo ha’iga lumin

Libin iyo  libaan ifiyo
Lamaane dhaafay baa nahee
Ha lumin oo ha’iga lumin

Isaar loolida jacayl
Ha lumin oo ha’iga lumin

Qoraalka waxaa ku jiro eryo aan saxneen
Hadii aad saxi karto waad inaga cawin kartaa.

Exit mobile version