Meerisyada wadnahee dhiiga maalayaa
Magacaan ku qoray maankiyo xiskee

Midigtaan amaan miciin uga dhigaa
Mulaax diiraneey madag laga qoraay

Mudo qalibigaad meel aad dagtoo
Mugdi laga jiroo macsuun iigu ahaw

Hawdkoo madheedh midhihii laga guraa
MAWLAHA ILAAH farxad kugu manee

Maskax kugu lamaan u mataantahee
Caashaqeenan mudhay midhihiisa guro

Ma huraan goboo masna lagu korshaay
Caashaqaan mariin uga dhigay muriyad

Exit mobile version