Maxaan u adkaystay dhaawac
Maxaan la rafiiqay urug
Adoo ii ogsoon dhibkayga
Maxaad igu dhaaftay eebo

Anoo helistaa rajeeya
Maxaad igu tidhi odhaaho
Uurkayga ku reeba boogo
Oo xiskaygu ilaawin maalin

Qudhaad u oydo haatan
Marbaad u ahayd badhaadhe
Miyay eed qabtaa jacayl
Dareenka waqtaa idleeyay

Intaan kugu eegay dhaawac
Anoo kuu gaystay eebo
Anaa maantana is keenay
Aduunkana kuugu jecel

Insaanku gaf uu galaaye
Intaad tagtada iska dhaafto
Maantaba arinkeena ka tali
Oo adoon hibashada ku raagin

Intaad raali iga ahaato
Ilduufku marbuu dhacaaye
Maantaba ila kori jacaylka
Adaan ifka kuu jecelehe

Exit mobile version