Haduu nugulku doogsaday
Rahuna nawda doon guray
Haduu haduu nugulku doogsaday
Rahuna nawda doon guray
Naf yaruu wax quudhsadey
Naf yaruu wax quudhsadey
Raganimoy ninkaagii
Nacasinimo maxaa baday
Raganimoy ninkaagii
Nacasinimo maxaa baday
Nasrigiyo ayaankoow
Xageebaad ku nooshihiin
Nasrigiyo ayaankoow
Xageebaad ku nooshihiin

Hadii aan ku naawilay
Hadii aan ku naawilay
Ha ii gabin nasiiboo
2x

Alla ileen jacaylku waa nabar
Waa nudub calooleed
Oon lagama nuuxsado
Allahayoow na nabad gali
Nafta iyo naruurada
Nimcadaada nagu dhowr

Aduun la isu noolyahay
Naruurada dhiigeen qabo
Aduun aduun la isu noolyahay
Naruurada dhiigeen qabo
Naxli inaan ku sii bado
Naxli inaan ku sii bado
Adoo noosan caashaqa
Markan hibasho nuuxsado
Naftu wey igu diidaa
Nabad iyo nas iga gaadh

Hadii aan ku naawilay
Hadii aan ku naawilay
Ha ii gabin nasiiboo
2x

Alla ileen jacaylku waa nabar
Waa nudub calooleed
Oon lagama nuuxsado
Allahayoow na nabad gali
Nafta iyo naruurada
Nimcadaada nagu dhowr

Exit mobile version