nasabkii haweenkee
nafta xiiso galisaay
adaan kal nuuraay
niyadayda kugu qoray

nasabkii haweenkee
nafta xiiso galisaay
adaan kal nuuraay
niyadayda kugu qoray

naqa ii darooriyo
naxariista caashaqa
nacfi barashadaada
nolol ii horseedee
nacfi barashadaadaa
nolol ii horseedee

naqa ii darooriyo
naxariista caashaqa
nacfi barashadaada
nolol ii horseedee
nacfi barashadaadaa
nolol ii horseedee

noolaha dhamaantii
nin rageed i deeqoow

nafta taan u huree
nasiib igu labeeyaay
nasiib igu labeeyaay

noolaha dhamaantii
nin rageed i deeqoow

nafta taan u huree
nasiib igu labeeyaay
nasiib igu labeeyaay

qalbigayga nugulbaa
farxad iyo nasteexiyo
nimcad kugu dareemoo
wan ku naawilaayaa

qalbigayga nugulbaa
farxad iyo nasteexiyo
nimcad kugu dareemoo
wan ku naawilaayaa

sidaad iigu nabantahaan
ana kuugu nugulay
xasuustaada niyadu
marna kama nagaatee
xasuustaada niyadu
marna kama nagaatee

sidaad iigu nabantahaan
ana kuugu nugulay
xasuustaada niyadu
marna kama nagaatee
xasuustaada niyadu
marna kama nagaatee

Exit mobile version