ragaba idilki kaan ka eegtee aragtidiisa horoon qabay
sow ayaantii aynu kulanee eebe igu simay xishood awgii
hamba maan noqon

een een mooyee sow odhaahdii afku muu gabin
sow u jeedkii ma illoobin aragiisii ashqaraaray
amakaagay waan asqoobay

aheey caashaqa kashkaa oodiyo uurkaa nugulbu
ka adkaaday kii afduubee cilmi iilka dhigay
i haleelyoo ana awgii waan il daranahay

eentaydiyo ula jeedada aayar fahanoo
een dhaafee asal dhaladoow ma is aroosna

Exit mobile version