hobeey xalaybaan hab soo idhiyiyoo
hawaawiray hurdo la ii diidyee
wiilkaan la hayaa hortay imidoo
hawada sare la ila duulyee waan isla hadlee

hir caashaqbaan hogiis galayoo
anaa ku haftoo ka hadhi waayee
halkeen ka hela ka helaa ka helaa

habeen iyo dharaar ma hadhsadee
halkuu marayaaban haybinayee
habaabay halkeen ka doonaaye
hanfi kulaylbaan hayaamayo hawo maleye

Exit mobile version