hanadoow ayaamahan
ma haysaa warkayga
inan kaa helloo runtii
kuu huray naftaydoo
hanaqa iyo laabta
hanti kaaga dhigay adi

wad igaga horaysay
anba wuu i hayaayoo
adigaa habloo idil
dartaa uga huleelo
hogaan kuugu xidhanahay
noqotay mirkaa tiree

malada hurdaada
ma seexdo habeenkii
adaan kugu hadraayo
aan kugu hamiyayaa

anba ma ladoo
hadii aan ku arkayn
laabtayda kugu hayn
jid kale hagaagne

hawraarsa sheekada
ka adkee halkaaga
hasheeniyo kalgacal jiraa
ka saxeexna hooste
hoos ka wada saxeexne

adiguna ha sii deyn
ha oloogin nacabkeena
hasheeskiyo kalgacal jira
aan ka saxeexno hooste
hoos ka wada saxeexne

hubaashii ragoo idil
halyeygaan ka doorto
daganida habdhaqankiisa
hiigaygu raaco
hoodiyo hayaankayga
mar hadaan ku helay adi

hanaan iyo adaa quroo
haybad iyo wanaag badan
rabi kuu hibeeyo
inta gabadh hagoogani
dhaqankiyo hidaha xidhan
horyaalkoodiiba tahay

hiigaygu wuxuu yahay
inaan hoy wadaagnoo
hadalada macaaniyo
ku hadlaa jacaylkeena

haasaawe beeniyo
ha iga filan waxyeeliyo
inaan heero wacadkii
adna ha i xumayn abid

Exit mobile version