Adduun dhalanteed miyaa
Dharaaruhu orad miyaa
Wadkuna cid ma dhaafayaa

Ruuxaan dhibo waayihiisa
Dhaguhu ciga weey maqlaane
Dhaayuhu yaab weey arkaane
Wixii dhacayaba aan tilmaamee
Miyeey cagaha dhulka
Iiba dhigeen

Nabsiga kaa dhitaysataa
Hadhoow dhaxal kuu noqdee
Iminka samir iga dhammaayee
Idhaafa reeriyo nololba aan dhistee

Muluca dheel baa ciya
Ogoow usha ugu dhuftaa
Isaga dhimasheey kutahay

Illaa markaa raad dhaqaajey
Anoon dhaqan guur aqoon baa
Dhibaataa igu waddeenoo
Shax baad i dul dheelayseen

Nabsiga kaa dhitaysataa
Hadhoow dhaxal kuu noqdee
Iminka samir iga dhammaayee
Idhaafa reeriyo nololba aan dhistee…

Exit mobile version