Heleela helloooy helleelahooy
Macaanoow muunad quruxooow
Muuqiisa midkii aan jeclaayoow
Macaanoow malyuun karoonoow
Muqiisa midkaan jeclaayoo
Midkii naftu raacdayoo oo aan rabayoo
Oo aan la maqsuuday baa tahay
Maankiyo qalbigaa kutabayoo
Mariinada jirkiyo wadnahabaa
Halbawlaha baad ku mudan tahayee
Miyaan kaa maarmi karaayaaye

Muqdisho hargeysa marqaan iyo taleex
Kismaayo haddaadnla maaggan tahay
Inuu meherkeennu mar un ka dhaco
Maxaan kugu diidayaa malaboow
Maxaan kugu diidayaa macaan malaboow

Macaan nasiib midkaan u helayoow
Mataankii naftaydii baa tahayee
Adaa ii muuqanaayee
Miyaan mid kaleete rabayaaaye
Muxiibo mug weeyn
Midkaan u qabayoo
Maahan dheeldheel ciyaare
Dhuuxaygana waad ku milantahayee
Miyaan kaa maarmi karaaye

Muqdisho hargeysa marqaan iyo taleex
Kismaayo haddaadnla maaggan tahay
Inuu meherkeennu mar un ka dhaco
Maxaan kugu diidayaa malaboow
Maxaan kugu diidayaa macaan malaboow

Exit mobile version