Kusiiyay naftayda saaka
Anoon ku segsaagin goorna
Ku sooray qudhayda taada
Anoon ku saluugin maalin

Dhaaxaan u samree maqnaanta
Maxaan ku sugaa jacaylka

Hakasoomay raggii dartaada
Anoon ruux kula simeeynin
Sadriga ku lamaanshay kaada
Anoo sina kaaga guurin

Dhaaxaan u samree maqnaanta
Maxaan ku sugaa jacaylka

Saqda dhexe sheekadaadii
Ku gaaray illaa salaaddii
Sawtkiyo haasaawahaagii
Ku seexshay laabta dooxan

Dhaaxaan u samree maqnaanta
Maxaan ku sugaa jacaylkaa

Exit mobile version