inan ku doorto
ku daydayaayo
da'daana ka doorbidayo
dunina kuliga dabal ku modey
miya dareentay

afkoo daadbulanaya
yaa iga diida
inaa dudubtii
duxii arkayga
daa;in ka qaade
inaad i deeqday
daqiiqad ku wayin
miya i dareentay

miya dareentay
qudhaa ku dortaa
miya dareentay
kashaa ku dabuubta
miya dareentay
dihashadaydaa
miya darentay
waa dartaa
dalka maanta

inan dartaa
dadkaba ka baydhay
durgaloobo owgaa dacifay
siina daayo aan daboobay
miyaa dareentay

naftaa daweysa
inaad dulqaadka
la daal dhacaysa
dubaaqa taaha
dhugashadaada inaad
dib eegtay
miyaa dareentay

miya dareentay
qudhaa ku dortaa
miya dareentay
kashaa ku dabuubta
miya dareentay
dihashadaydaa
miya darentay
waa dartaa
dalka maanta

Exit mobile version