caashaq laabta ka galay
caloolyahaw dhib badanaa
cunto uma dhawaatide
caatayoo lur weynaa

cuna maanta waynidee
kor canayo badanaa
anoo cidi ii dhimin
caro iyo xanaaqban
cunahayga buuxshe
cidla weerarban ahay

hadba cidhifka iga jirto
cidi iima sheegte
carafkeeda go'inbaa
sanku i canjeerma

marku calanka waan
ka daba caraaba
marku ceenka igu gubo
cadceedahaan istaaga

bakayluhu seexdan
caro eray ka goobaa

Exit mobile version