Sow daymadaadii
Dareen caashaq ima galin
Ima galin aniga
Dareen caashaq ima galin

Dabnahaygu sow
Imay odhan
Magaceeda haba dayn

Lugahaygu sow ma doontaan
Daarta ay ku nooshay

Waxaan uga danleeyahay
Naf jacayl damqaayaa
Dawadaydii noqotee
Dadba kaa dhawaystoo
Dookhaygu waa adi

Sow daymadaadii
Nafta damacan maad galin

Damiirkaygu sow imuu odhan
Dumarbay u sidataa
Daqrigaygu sow umaad noqon
Midii aan ku dagi lahaa

Waxaan dadaw idhaahdaba
Daad jacayl i qaadyoo
Sirtii dibada gaadhee
Dadka kuugu jeceloo
Dookhaygu waa adi

Exit mobile version