Waxay dani keenta iyo
Kalgacalbaa ila durkoo
Dad iyo duunyaba ka go,ay
Waxbaa daris ii noqdee
2x

Dugaagaan weheshadaa
Dul meerayaa kaymahoo
Halkaad iga daydaydiyo
Halkaan dagay kala durkee
2x

Ilaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Dulmiga caashaqa ka daa
Ilaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Doorashada caashaqa ka daa

Anoo dooday iyo beer
Dagaal la iga badinahayn
Dareenkaygaa dobtoo
Jacaylbaan la doodayaa
2x

Janooy halis daaqayoo
Dabkaana adaa shidayee
Halkaad iga daydaydiyo
Halkaan dagay kala durkee
2x

Ilaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Digashada caashaqa ka daa
Ilaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Digashada caashaqa ka daa

Exit mobile version