Ulo geed kawada baxay
Gunto ay mid qura tahay
laan waliba geeskeed
Guntin miraha bixisoo
is gaar gaarsadaan nahay

Gadaal aan ulaabtee
Waqtigii Gumaysiga
Gobanimo udirirkii
Gees midaan ujeednoo
Gobalaysi muu jirin

Marka aan gaaja beelnay
Geeleennii inoo dhalay
Bal inaan goracanahay
gowraceenu dharagyahay
Qabiil lagu gabraarsado
Maxaa garabka inoo suray?

Hubka ha isla gaadine
galka seefta galiyo
Daldalooladaa guud
Daldaloodaa guud

Umadyahay Dantaa garo
U gurmada wax soo saar
Gurmad beeraleey gala
Way guurtay dunidii
Halka geedi looyahay
Gaadiidka loo raray
Alla tusmadiina garab dhiga

Guuleestayaaloow
Midnimada gargaaro
Nolol aan ku gaarnee
Guri nabada noo xira
Soomaalaay gabigiin
Midnabada gargaaroo
Nolol aan ku gaarnee
Guri nabada lo xira

Exit mobile version