Waxay tani keenta iyo
Kalgacalbaa ila durkoo
Dad iyo duunyaba ka go,ay
Waxbaa daris ii noqdee
2x
Dugaagaan weheshadaa
Dul meerayaa kaymahoo
Halkaad iga dayda iyo
Halkaan dagay kala durkee
2x
Ilaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Dulmiga caashaqa ka daa
Ilaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Doorashada caashaqa ka daa

Anoo dooda iyo leelo
Dagaal la iga badinahaayoo
Dareenkaygaa gubtoo
Jacaylbaan la doodayaa
2x
Janooy halin daatayoo
Dabkaana adaa shidayoo
Halkaad iga dayda iyo
Halkaan halkaan dagay kala durkee
2x
Ilaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Digashada caashaqa ka daa
Ilaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Digashada caashaqa ka daa

Exit mobile version