Soo dagee saarkii duleedow soo dagee
Soo dagee maantaba dalkaagi soo dagee
Soo dagee aan ku daadahaynee soo dagee
Soo dagee aan kuu ducaynee soo dagee

Ala soo dagee maamiyo dagiisow soo dagee
Soo dagee muxuu doonayaaba soo dagee
Waxaan doonayee doonayaa inaan deeqa dhoofan doonaya
Soo dag soo dag
Waxaan doonayaayee doonayaa inaan dooni raacaan doonayaa
Soo dag soo dag
Waxaan doonayaayeen doonayaa inaan cadan dawaafaan doonayaa
Soo dag dag
Waxan doonayaayee doonayaa dahabiyo xariirbaan doonayaa
Soo dag soo dag

Soo dagee soo dagee saarkii duleedow soo dagee
Soo dagee waa dabaaldagaagee soo dagee
Soo dagee aan ku daadahaynee soo dagee
Soo dagee aan kuu ducaynee soo dagee
Soo dag soo dag

Soo dagee muxuu diidayaa soo dagee
Waxaan diidiyayee diidayaa aqal wada daloolaan diidayaa
Soo dag soo deg
Waxan diidayaayeen diidayaa meelan dawo oolinban diidayaa
Soo deg soo deg
Waxaan diidayaayeen diidayaa dood iyo dagaalbaan diidayaa
Soo deg soo deg
Waxan diidayayen diidayaa meelan lagu dakaynban diidayaa
Soo deg soo deg

Exit mobile version