adkaysan waayoo
ayaan maseexdoo
aduun dhibkiisaa
ani la iidhameeyoo
naftu kay u oontay
arkina waayoo
tusina waydoo
alla maad ogaatid
ololka iga baxayaa
igadaa ilmadan caashaqa
inaan wali abraaraayoo
alwad ha i ogaysiin

asqoobayoo itaaldareeyoo
anfac ka dhaartoo
orodka gaabshoo
jacayl oodihii loo
igu abuuroo tusiwaydoo
alla maad ogaatid
ololka iga baxayaa
iiga gee ilmadan caashaqa
inaan wali abraaraayoo
alwad ha i ogaysiin

Exit mobile version