Sida yoo hayaan yam yidhoo
Lugo dhigay yagleel
Sida yoo hayaan yam yidhoo
Lugo dhigay yagleel

Yuuf loo qodow
Saxan yaa raba iyadoo diyaar
Yuuf loo qodow
Saxan yaa raba iyadoo diyaar

Sida yara jirtaan
Ha shaqeyninbaa
Yuuyuufsadaa
Sida yara jirtaan
Ha shaqeyninbaa
Yuuyuufsadaa

Waa yaab balee
Waa yaab balee
Siduu iigu yimid
Yax ma idhi jacayl
Abow adakidaa

Sida geel akumay
Yabladu haraad
La ii hoomayoo
Sida geel akumay
Yabladu haraad
La ii hoomayoo

Cakuna in yaruun
Ka hajiya yaruun
Yuu qabsadee
Cakuna in yaruun
Ka hajiya yaruun
Yuu qabsadee

Sida yara jirtaan
Ha shaqeyninbaa
Yuuyuufsadaa
Sida yara jirtaan
Ha shaqeyninbaa
Yuuyuufsadaa

Waa yaab balee
Waa yaab balee
Waa yaab balee
Siduu iigu yimid
Yax ma idhi jacayl
Abow adakidaa

Yay iyo yaxaas
Wada yeedhayaan
Ka dhex yuubanoo
Yay iyo yaxaas
Wada yeedhayaan
Ka dhex yuubanoo

Cirkoo yagal ka kacay
Daruur yogotayba
Daba guuro u ahaa
Cirkoo yagal ka kacay
Daruur yogotayba
Daba guuro u ahaa

Sida yara jirtaan
Ha shaqeyninbaa
Yuuyuufsadaa
Sida yara jirtaan
Ha shaqeyninbaa
Yuuyuufsadaa

Waa yaab balee
Waa yaab balee
Waa yaab balee
Siduu iigu yimid
Yax ma idhi jacayl
Abow adakidaa

Exit mobile version