caashaqa ma baran wali
mana beeninaaye
ku fogaaday inanyahay
gees xishootaay

inta ugu badheedha
sida barashadee
raacay laas u noqotaa
baradiisa helaa

inuu yahay bar kuma taal
xiisuhu ma ba'aaye
ha bixin adoon bogon
jacayl beernimadii
ma kusii balimayaa

dhulkoo meel barwaaqo ah
oon lahayn bad iyo wabi
dhirtu ay ku badantahay
bariyo laysu tago

burta gacan libaaxay
ku yaalbayta raaxada
maalmuhu sii baraayoo
bariba ma isu raacno

xiisuhu ma ba'aaye
hadad bixin adoon bogin
ood bixi adoon bogon
jacayl beernimadii
ma kusii balimayaa

Exit mobile version