wax dhintaad ka samirtaa rajo waa ladhawraa
wixii dhumayna doondoon ayadaa isdhiirigalisaa
dhaban cel tagaybaad geel ku dheelmiyaayoo
dhalan dhool haraadbaan naftadhiganayaaye
dhiciwayday sidaan rabay dhaawiciina dilaacyoo
wadhaboobay jaclkaan dheeldheelsanayaayey
dhagax dhuunta kama dago dhaayahaad ku aragtaa
dhulka meesha doogaleh carabku ma dhadhamshee
ana dhabana hastiyo dhibtu waygu badan tahoo
dhididiyo kulalbaa dhabanada ka dayee

Exit mobile version