Ileen Sanjigaa ma meermo
Ileen sumadaa ma guurto
Afkaagu ileen ma suulo
Sokeeyo ileen? ma daalo
Jabuutan ka sidnaa salaan
Ka timid sambabka iyo wadnaha
Soomalaay naga gudooma

Iney dhalashadu sad tahay
Dhibaato markey ku sidatay
Sidaa tahayba noqdoo
Walaalkaa seexan waayay
walaalkaa seexan waayee

Ileen Sanjigaa ma meermo
Ileen sumadaa ma guurto
Afkaagu ileen ma suulo
Sokeeyo ileen? ma daalo
Jabuutan ka sidnaa salaan
Ka timid sambabka iyo wadnaha
Soomalaay naga gudooma

Maxaan waligeey sugaayay
Ama saadaalinaayay
Imaankeygii sugnaa
Inuu nabad saadinaayo
Inuu nabad saadinaayo

Ileen Sanjigaa ma meermo
Ileen sumadaa ma guurto
Afkaagu ileen ma suulo
Sokeeyo ileen? ma daalo
Jabuutan ka sidnaa salaan
Ka timid sambabka iyo wadnaha
Soomalaay naga gudooma

Saniyo hilba heynu nahay
Sidiyo wadnaheynu nahay
Dhiigeena markii lasaray
Dhaqtarku kala saari waayay
Dhaqtarku kala sari waayay

Ileen Sanjigaa ma meermo
Ileen sumadaa ma guurto
Afkaagu ileen ma suulo
Sokeeyo ileen? ma daalo
Jabuutan ka sidnaa salaan
Ka timid sambabka iyo wadnaha
Soomalaay naga gudooma

Exit mobile version