VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Afkaygoo qolo matihid mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Afkaygoo qolo matihid

afkaygoow qolo ma tihid
qabiil iyo reer ma tihid
qof gaar kuu lihi ma jiro

dadkaaga qaybsamooo
qoloba qolo diidan tahee
adigu waxaa tahay af qudha

aduunkiyo qaaradaha
astaan baad qawm u tahay
qiimaha soomaalinimo
ayaad quwadiisa tahay
afkaygoow ayaad quwadiisa tahay

afkaygoow qran jira atahay
afkaygoow qaali baa tahay
aniga waxaa tahay qudhayda
afkaygoow afkaygoow

afkaygoow quus ha noqon
kolkay is qardoofayaan

shantii qayb kuu lahayd

qayarkoodbaa kala dilayoo
reer reer bay isku quudhsadaane
ha moodin inaad qabyowday

qasdiga abuurtee allena
qaybaad dhul ka leedahoo
qorshiyo nolol baad hagtaaye
dunida kuma tihid qaxoontii
afkaygow afkaygoow

afkaygoow qaran jiraa tahay
afkaygoow qaali baa tahay
aniga waxaa tahay qudhayda
afkaygoow afkaygoow

codkii Kooxda xidigaha geeska