han wanaagsanidu waxay kugu hagtaa
halawsiga kalgacal halkuu doonayee
waxa hagar la,aan hoygay dhisteen loo hoynayaa

habeen dhalad siciidiyo hibo badan ayaan
hanashada jacayla markay wada heleen
arooska u hirgaay hambalyaanu nidhiye
hamabalyoo ooo

marwo hoodo lihiyo ingineerabaa tiisii hantiyay
hiil kama maqnee
anagu hadaan nahay hoboladii ducaan hooya nidhi

habeen dhalad siciidiyo hibo badan ayaan
hanashada jacayla hawayooo markay wada heleen
arooska u hirgaay hambalyaanu nidhiye
hambalyoooooo

marka labada huwaday dhaqankiyo hidaha
wiilashiyo habluhu hareeraha qabtaan
waxaa loo hubaa heesaha inaa loo hagar baxee

habeen dhalad siciidiyo hibo badan ayaan
hanashada jacayla markay wada heleen
arooska u hirgaay hambalyaanu nidhiye
hambalyooo ooooo

haye iyo hayada guur kama hadhee
hiigsiga kalgacal lamaanaha habdhaqan
ku hogaamiya hoortaye anana ducaan hooya nidhi

habeen dhalad siciidiyo hibo badan ayaan
hanashada jacayla markay wada heleen
arooska u hirgaay hambalyaanu nidhiye
hambalyoooo ooooooo

Exit mobile version