allow yaa habeen qudha
uurkeyga qala oo
qudha oon la iga jarin
quruumaha ku loolama
ku yidhaa garta u qaad

taladaan qandowdee
aan qawda ku hayaa
qotodeedu dheeraa
iinsha alaahu waan qaban

qalanjooy inana hee
hadii la isku keen qorey
oo aan qayb isku leenahay
waan isla qosli doonaa
adna taa qiraha gali

aduunyada qorshaa jira
iyo qaabab waaweyn
qarar oodan baa badan
qaxar iyo dhibaatana
intaa way is dhex qaadaan

qoonteeda sheekada
waan qaban doonaa
qarqarsiga ku jiidoo
hawlaha ma qabanaa

qalanjooy inana hee
hadii la isku keen qorey
oo aan qayb isku leenahay
waan isla qosli doonaa
adna taa qiraha gali

Exit mobile version