ifka aynigeed iyo idilkood hablaha jira
intaan ka doortee naftu ogolaataay
waad ii udgoontoo iimaanka deeqaay
aragaaga wacanbaan ku ildoogsadaa

noloshayda aayaha taan ku aaminaay
aadbaad iigu wayntoo almaas ooridaydaay
adigaan aduunkiyo ifka kuug jecelay

afgobaadsan maayee aqalkaad ku ababtiyo
iiman hooyadaaba sharafiyo amaan mudan
ixtiraamka dhaqankiyo anshaxiyo xishoodkaba
isirbaad u leedoo waxaad tahay ehlu khayr

Exit mobile version