Ayaaneey adaan
Inta reer aduun
Ku adkeeystayoo

Ubadkaaga iyo
Ehelkii ku dhaley
Ku amaanayaa

Anna ooridii
I adeecaday Ayaan
Waan kuu ogahey

Xil aanan awoodi Karin
Ayaad iiga aadantoo
Abaal baan kuu hayaa

Aadmigu aduu
Adinka iyo afkaba
Ammaan kaa heloo

Sharaf iyo asluub
Garasho iyo aqoon
Alle kugu sadee

Anna aragsaneey
Waan kuu ogoo
Ma ilaawi karo

Xil aana awoodi Karin
Ayaad iiga aadantoo
Abaal baan kuu hayaa

Ayaaneey adaa
balanta Iyo axdiga
ila oofiyoo
Eed male jaceeyl
Arimada qalbiga
Ku abuurayee

Aniguna adaan
Idilkood haween
Kaa aaminee

Xil aanan awoodi Karin
Ayaad iiga aadantoo
Abaal baan kuu hayaa

Exit mobile version