VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caashaqa ha guul guulin - Lyrics

Caashaqa ha guul guulin Ha udiidin gogoshiisa Gacalooy wanaageena Ha ku dumin garaadkaaga Garashada ha waydeeynin Ha u guuxin nacabkaaga Gurbood ka iyo dhalaankeena Ha baneeynin garabkooda Gudintaad afeeyneeyso Ha ku gooynin midigtaada Gibilsha iyo awrkeeda Laba gees ha kala geeynin Hadalka iyo go?aankii Talada iyo gudoonkii Reer dhibtii iyo wixii gaadha Rabbi ha ina garansiiyo Gocashada ha baadh baadhin Ha ufiirsan godobteeda Guurka iyo sharaftiisa Ha gar-geeyn jaceeylkeena Imtixaanka gurigeena Guddi odayo loo saarey Hadii la isku wada geeyo Boqol iyo lagbay gaadhey Rag ninkaaney gabadhiisu Gol daloolo ka ilaalin Qayrkiisa garab jooga Waligii ma gaadhaayo Hadalka iyo go?aankii Talada iyo gudoonkii Reer dhibtii wixii gaadha Rabbi ha ina garansiiyo Dhirta lama garaacaanka Gunta xididka ha u saarin Geed midhaha laga goosto Geestiisa lama gooyo Guryo samo adoo yaala Abaar reer lama geeyo Adoon sahan ku guureeynin Geediga ha heenseeynin Gafka ruux intuu geeysto Garawshiiyo laga waayay Halka kibirku gaadhsiiyo Gumartida ha loo joogo Hadalkii iyo go?aankii Taladii iyo gudoonkii Reer dhibtii iyo wixii gaadha Rabbi ha ina garansiiyo.
Queue is empty
-- / --